Sunday, August 1, 2010

HABKA UGU SAHLAN EE IS-HORMARINTA QOFEED (Qeybtii 3aad)

Hordhac

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Qoraalkaan oo taxane noo ahaa kuna saabsanaa “Habka ugu sahlan ee is-hormarinta qofeed”. Ayaan aqristayaasha usoo gudbinayaa qeybiisii 3aad oo ku saabsan waax muhiim u ah is-hormarinta qofeed taas oo ah Isbedel sameny.

Isbedel sameyn

Si ay noogu suura gasho in aan is hormarino waxaa lama huraana in aan isbedel ku sameyno in badan oo nolosheena ka tirsan, taas oo caado iyo dhaqan inoo noqotay. Hadaba, Ugu horeyn, waxaan u baahanahay in aan wax ka ogaano waa maxay isbel sameyn ? Diintu maxay ka tiri arinkaas? maxaa keena isbedel? Nuucyaddiisa? Waa maxay caqabadaha lagala kulmo isbedel isku sameynta? Sideese isbedel la iskugu sameeyaa? Waa maxay waxa kugu kaalmeynaya inaad isbedel sameysid? Su’aalahaan jawaabtooda oo kooban waxaan oga bogandoonaa qeybteenaan 3aad.

Qoraaladda beryahaan dabe laga qorayey isbedel iskusameynta siyaabo kala duwan ayey u qeexeyn Isbedel inku sameyn, waxaanse ka soo qaadaneynaa mid kamidda.

Waxaa lagu qeexaa erayga Isdedel waa ka tagis xaalad uu qofi ama shay ku sugnaa iskuna badalo/rogo xaalad kale, isbedelkuna wuxuu noqon karaa mid fiican ama mid xun. Taas macnaheedu waa in qofku ama shayga ay iska badalaan xaaladii hore ay ku sunaayeen una weecdaan xaalad kale oo ka duwan midii hore. Tusaale ahaan, qof ayaa waxuu ahaa Umi (mid aan wax qorin amaba aan wax aqrin) kadib ayuu go’aansaday inuu waxbarto. Hadaba, wuxuu qofkaasi iska badalay xaaladii jahliga una guuray xaalad aqoon iyo cilmi. Sidaa tarteed ayaa lagu qeexaa isbedel isku sameyntu waa xaalad uu qofku iska badalayo una gurayo xaalad kale oo ka duwan tii hore. Barashadda cilmiga isbedel sameynta waxaa loo qeybiyaa lobo, oo kala ah

1. Isbedel sameyn qofeed, waa midka uu qofku isbedel ku sameynayo xaaladda uu ku sugan yahay una guurayo xaalad kale oo fiican ama liidata.

2. Isbedel sameyn shirkadeed, waa isbel lagu sameynayo qeyb ama qeybo ama guud ahaan shirkad taas oo looga danleeyahay hadafyo kala duwan oo shirkadda laga damacsanyahay in ay xaqiijiso si ay ooga gudubto xaaladda ay ku sugan tahay hadda.

Isbedelaas ayagaa waxaa keena labo arimood oo kala ah, mid xaaladda/deegaanka ayaa isbedelka keenta ama qasabta, midna waa arin ku salaysan isbedel lala rabo in lagu sameeyo shirkadda ama uu qofku rabo inuu isbedel isku sameeyo. Waxaa kaloo loogu yeeraa isbedel qorsheysan iyo mid aanan qorsheysneen (planned and unplanned change).

Qeexitaanka iyo qeybahaas kadib, maxay diintu ka tiri isbedel ama isbedel isku sameyn? Su’aashaas jawaabteeda oo waafi ah waxaa noo cadeyey Ayadaan quraanka ah oo uu Alle subxaanahu watacaalaa ku sheegay “Alle ma dooriyo qoom, ilaa ay ayagu ay nafsadoodii wax ka badalaan” (Racdi:11) ayadaan waxay mufasiriinta qaarkood ku macaneeyeen; “Alle subxaanahu watacaalaa cid kama qaado kheyr uu siiyey ugumana badalo shar, ama shar ay ku jireen uguma badalo kheyr, ama barwaaqo uguma badalo abaar, ama abaar iguma badalo barwaaqo, ilaa ayagu nafsadooda wax ka badalaan”. Hadii alle nimco nasiiyo waxaa nalaga doonayaa in aan ku mahdino si uu noogu saa’idiyo nimcadiisa, hadiise aan ku caasiyowno oo abaal laaweyaal ku noqono, Alle cadaabtiisa ayaa meel noo taal, taas oo aan loo adkeysan karin. Hadaba ayadaas kore oo macne badan xambaarsan ayaan ka qaadaneynaa in qofku asaga iska badalo xaaladda uu ku sugan yahay una weecdo xaalad kale, sidaa darteed waxaa nalaga doonayaa in aan qaadano aayadda waxa ay iftiiminayso oo ah sida aan kor kusoo sheegnay.

Isbadel in lasameeyo waa arin aad iyo aad u adag laakiin u baahan oo kaliya sadex arimood oo kala aha:

1. Rabitaan xoogan, qofku waa inuu jecelyahay inuu xaaladda uu ku jiro wax ka badalo, rabitaankiisana uu aad u sareeyo si uu wax isaga badalo. Tusaale ahaan, qofku waa inuu jecelyahay ama rabo inuu wax barto.

2. Qo’aan adag, tani macanaheedu waa inuu qofku la yimaado go’aan adag uu wax ooga badalayo waxa uu damacsanyahay inuu iska badalo. Waa tii Alle subxaanahu watacaalaa uu rasuulkiisa nabadgalyo iyo xariisi dushiisa allaha yeelee ku yiri “..Hadii aad go’aan gaartid, Alle talo saaro..” aayadaas waxay natusinaysaa inuu alle subxaanahu watacaalaa uu rasuulkiisa amray haduu go’aansado arin, waa inuu fuliyo, allena talo saarto. Hadaba waxaa qofka laga doonayaa inuu go’aan adag la yimaado marka uu rabo inuu isbedel sameeyo Allena uu talo saarto.

3. Isku-day badan, qodobkaan ugu danbeeya waxuu aad u dhiira galinayaa in uu qofka uusan ka caajisin, ka niyad jabin isbedelka uu damacsanyahay mar haduu go’aansaday, rabitaanna uu jiro, waa inuu mar walba isku daygii wadaa, adeegsadaa habab kala duwan uu wax ooga badalayo culaysyadda uu kala kulmayo isbedelka ama u diidaya isbedelka. Tusaale, qof ayaa go’aansaday inuu waxbarto, rabitaankiisuna aad u sareeyo, laakiin waa damiin, wey ku adagtahay fahamka waxa uu rabo inuu barto, sidaa darteed, si uusan u niyad jabin waa inuu isku dayo badan sameeyo, dadaal fara badanna uu la yimaado, hababka uu wax u aqriyo wax ka badalo, maalinba si uu wax u aqriyo si uudsan caajis ama niyad jab u dareemin. Haduu xifdiskiisa liido waxaa suura gal ah inuu ku fiican yahay sawiradda iyo farshaxanka, sidaa darteed waxa uu rabo inuu xifdiyo waa inuu sawiro ku muujiyo, tusaale ahaan waxaan rabaa inaan xifdiyo shanta tiir islaam, waxaan u sawiran sidii guri oo kale, shan tiir leh, waxuu sawirkaas ii fududeyn inaan hadhow xasuusto shanta tiir islaam anigoo markasta xasuusanaya sawirkii aan sawirtay.

Kuwa isbedelka lagu sameeyo

Isbedelku waxaa lagu sameyn arimo badan oo qofka quseeya, oo ay ka midyihiin:

1. Fikradaha sida Qiyamta iwm), qof kasta wuxuu leeyahay afkaar iyo qiyam uu aad u aaminsanyahay, afkaartaasi waxay noqon kartaa mid fiican ama aan fiicneen ayadoo loo eegayo waxa ay ka qabto shareecadda islaamka, hadii afkaarta qofku aysan fiicneen waxaa uu u baahan yahay inuu isbedel isku sameeyo, dhabtiina wey adagtahay in isbedel lagu sameeyo afgaar uu aamin sanyahay qof, laakiin waxaa la yareyn karaa dadka aaminsan afkaartaas liidata, ayadoo la adeegsanyo marba qaabka ku haboon ee loo saxo qalad.

2. Xiriiradda sida Saaxiibadda iyo qoyska, qofkasta wuxuu leeyahay xariiro kala duwan, mid saxiibeed iyo qoysba, qaraabo, bulsho, IWM. Marka qofka waxaa laga doonayaa xariirka uu leeyahay inuu sifiican isga fiiriyo, iskana hubiyo cidda uu xariirka la leeyahay waxa aytahay, xariir haduu la leeyahay qofku dad aanan fiicneen, shaki maleh inuu asagana kooxdaas uu la qasan doono waxa ay ku jiraan muddo dhow ama mid fogba haduusan alle ka badbaadin. Tusaale hadii aad saxiib la tahay dad aanan fiineen sida (Ciyaalsuuq, Tuug, Saaqid, caasiwaalidiin, dhiigyacab,..iwm) waxay kugu jiidi doonaan waddo aadan jecleysan birri. Sidaa darteed ayaa la yiraahdaa xariiradu waxay ku jiraan qeybaha uu qofku isbedelka ku sameeyo.

3. Xirfaddaha sida barashada computer, luqaddaha iwm., qofka doonayo inuu isbedel sameeyo dhanka waxbarashadda ama shaqo waxuu u baahanyahay inuu isbedel ku sameeyo ama kordhiyo/kobciyo xirafadda uu leeyahay sida kordhinta barashadda technology-yadda cusub, barashada luqadda taas uu rabo inuu wax ku barto, kordhinta wax kasta oo kaabaya isbedelka xirfadeed. Sidaa darteed waxaa xirfadaha lagu tiriyaa qeybaha wax laga badalo.

4. Dareenka sida Casabiyadda, Jaceyl iwm., waa qeyb uu qofku ay ku qaadan karto muddo dheer inuu wax ka badalo, laakiin waa suura gal inu wax ka badalo dareenkiisa. Tusaale ahaan waxaad la dhacsantahay/aaminsantahay qabyaalad/casabiyah, adiguna aad dareensantahay in aysan fiicneen, ayna u baahantahay in aad wax ka badashid dareenkaas, sidaa datreed ayaad bilaabee isbedel in aad ku sameysid dareenkii qaldanaa.

5. Walxo sida Computer, Taleefankaadda,iwm., qofku wuxuu is-bedel ku sameyn karaa walxo/shey-yo uu isticmaalayo sida mobilekiisa, computer-kiisa, baabuurkiisa iwm. Hadna asagoo raba inuu lasocdo mooda/fashiyonka ugu danbeeyey.

Waxyaabaha keena Isbedelka

waxyaabah keenaya inuu qofku isbedel isku sameeyo waxaa ka midda:

1. Qofka oo dareema Niyad jab, waxaa suura gal ah , marer badan inuu qofku isku dayo inuu howl qabto kana miro keeno, laakiin ayaan daro uma suura gasho waxa uu damacsanaa, mana gaaro dadafka uu lahaa. Qofkaasi waxaa ku dhacaya niyad jab xoogan,sidaa darteed ayuu u baahan yahay inuu isbedel sameeyo inta aysan niyad jabkaas u gudbin qeybo kale oo noloshiisa ka tirsan oo fayo qaba ama fiyoow. Tusaale, qiso uu sheegay Dr. kaastro alle naxariistii jano ha waraabiyee, bare ka ahaa Jaamacadii Umadda kadibna Jaamacadda Muqdisho, ayaa ka sheekeeyey qiso ku dhacday arday soomaali ahaa oo wax ka baran jiray jaamacadda As-har ee dalka Masar, ardaygaas oo marer badan imtixaanka ku dhacay ayaa ka niyad jabay inuu waxbarashadiisii sii wato, kadib ardaygii oo meel fadhiya aadna ooga fikiraya ayaa arkay Quraanjo rabta inay korto darbi markay xoogaa siisocotaba soo dhaceysa ilaa markii danbe ay korto, markaasuu ardaygii garowsaday inuu usii baahanyahay isku day kale illaa uu ka dhameeyo jaamacaddii asagoo ka cibro qaatay quraanjadii.

2. Dareen xumol, waa marka uu qofku aamin sayahay inaysan waxba usuura galeyn, markastana malo xumo kujiro, hadaba wuxuu ubaahan yahay isbedel inuu ku sameeyo dareenkiisa.

3. Dhib badan, qofku waxaa soo wajaha dhibaato kala duwan taas oo ku kalifi inuu isbedel sameeyo.

4. Fashil joogta ah, qofku wuxuu la kulmi karaa guuldarro joogta ah xaga waxqabadkiisa, waxsoosaarkiisa, waxbarashadiisa, hadaba wuxuu qofkaas u baahan yahay inuu isbedel sameeyo si uu ooga gudbo guuldaradaan joogtada ah.

5. Joogteen howl ama halqaab, marka qofku uu muddo ka shaqeeyo howl oo waliba howshuna ay tahay mid uu maalin kasta qabto waxay keeni kartaa natiijooyin aan la jeclaysan, maxaa yeelay ibnu-aadamku waxay jecelyihiin kala duwanaansho howleed, sidaa darteed qofku waxuu u baahanyahay inuu howsha joogtada ah wax ka badalo oo ugu yaraan ka dhigtaa mid marba nuuc loo qaban karo. Maantay oo la joogo waxa laagu yeero Da’yarta C ama Y (Generation C, Generation Y), kuwaas oo lagu tilmaamo dad aad ooga fikira is-hormarin iyo waxbarasho iyo lasocoshadda tiknolojiyada, ama aad u daneeya (career development). Shirkaddo badan oo soomaali ah waxaa kusoo wajahan culaysyo ku aadan sidii loo maamulahaa cilmiga (knowledge management) oo asaasi u ah qolooyinka aan kor kusoo sheegnay. Hadaba qofku waxaa qasab ku ah inuu ka gudbo ama uu xaliyo waxa joogtadda u ah.

6. Wax qabadka oo yar, waxaa kaloo isbedelka qasba in waxqabadkii qofka uu qorsheystay uu ka hoos maro inta uu rabay inuu gaaro ama uu lamid yahay uurabo inuu kasii kordhiyo.

7. Asaagii oo ka sare mara, waa dareen ku dhasha qofka marka uu arko asaagii/faciis(kuwii la da’da ama lamidka ahaa) oo ka saro maray kana tagay, sidaa darteed wuxuu qofka isku dayaa inuu ka daba tako kana hormaro. Si ay arintaas usuura kasho wuxuu u baahanyahay in uu isbedel sameeyo.

8. Dayacaadda waqtiga, waa marka qofku dayaco waqtigiisa, uusanna dareensaneen muhiimadda uu uleeyahay waqtiga. Sidaa darteed waxuu u baahan yahay ibedel inuu ku sameeyo xaaladda uu ku jiro.

9. Tiiraanyo iyo walwal joogta ah, waxaa qofka soo wajihi kara xaalad adag oo kukeenta qofka inuu aad u walbahaaro ama walwalo taas oo dhaawici karta noloshiisa inay dhaawac u geysato nafsiyan, sidaa darteed wuxuu ku qasban yahay qofka inuu isbedel ku sameeyo qeybo ka mida noloshiisa.

10. Shaqadda iyo Technology-da, baryaahaan danbe waxaa soo ifbaxay in uu isbedel xoogan ku imaanayo shaqadii iyo technology-yadda taas oo qofka ku qasbeysa inuu isbedel joogta ah ku jirro. Hadaba Ubadka cusub ee loogu magaca daray (Generation Y, Z) in kastoo hadda ay soo baxeyn Da’yar kale oo loogu magac daray (Generation C). labadaan koox oo ka mideysan, aaminsan shaqadda inay tahay mid asaga wax u kordhinaysa, oo loo shaqeeyuhu ka fikirayo kobcinta iyo waxbaridda shaqaalahaas waa waxa loogu yeero hormarinta xirfadda ama mihnada qofeed (career development). Waxaad ooga bogan doontaa qeybaha kale oo sharxi doona ishormarinta Da’yarta cusub iyo technolojiyadda. Labadaas kooxba waxaa sabab u ah isbedelka joogtada ah ee ka jira dunida. Laakiin qofka aan la qabsan xaaladda marba la joogo waxaa ku imaan inuu jaha wareero, oo qolooyinkaas Da’yarta ah kala wareegaan howshiisii, sababtuna ay tahay gaabin uu qofka sameeyey iyo isbedel la’aanta heysata.

Caqabadaha

· Cabsi laga qabo jago/xil weyn; waa arin hor istaagta in la sameeyo isbedel sabatuna ay tahay qofka isbedelka sameynaya waxaa soo foodsaarta cabsi ku aadan shaqadda oo uu isleeyahay amaad shaqadda weysaa ama xilkaan weydaa kadib wuxuu bilaabi inuu ka hortago isbedel kasta oo uu sameyn lahaa ama lagu sameyn lahaa.

· Cabsi laga qabo xariir iyo iskaashi inuu xumaado, tani waxay imaataa marka qofi uu isbedel sameynayo isla markaasna si toos ah u taabanayso xariiradda uu la lahaa dad kale. Tusaale ahaan waxaad rabtaa in aad waqtigaaga si fiican ooga faa’iideysatid, saaxibadiina ay rabaan in aad lasoo sheekeysatid sidii lagaaga bartay, marka taasi waxay kugu abuuri kartaa in aad dhahdid niyahow ma saxiibadaa aad goyn kartaa.

· Cabsi laga qabo wax aanan muuqan, qofka is-bedelka sameynaya waxaa soo wajihi kara inuu ka cabsado waxa ka dhalan kara is-bedel sameyntaa gaar ahaan wuxuu aad ooga fikiri tallow maxaa ka dhalan kara isbedelkaan mustaqbalka.

· Cabsi laga qabo mucaarad, qofka waxaa soo wajihi karta sidoo kale inuu is yiraah hadaan isbedelkaan ku tilaabsado amaan mucaaraddo badan iyo xan badan kala kulantaa asxaabtaadii. Tusaalle, adigoo shaqaale ah ayaad aragtay maamulkii oo qish siinaya arday markaas aad istiri amaad arinkaas saxdaa oo aad noqotaa qolooyinka wax kashifa (whistleblowers), kadib waxaad is-oran “amaad mucaaraddo xoogan la kulantaa”.

· Cabsi laga qabo dabar/awood xumo, qofka wuxuu ku fikiri karaa inuu is yiraahdo allaylehe hadii aad arinkaan sameyso amaad awood u weysaa birri, tusaale ahaan, waxaad damacday in aad ganacsi kuu gaar ah furatid, ama tacliin sare bilowdid, aadna ka baqeysid in biri jeebku ku ciilo, taas oo keeni karta in aad ka gaabisid isbedelkii.

· Jaceyl loo qabo qaabkii hore, waxaa kaloo suura gala in uu qofku aad udanaynayo dabeecadii iyo dhaqankii hore uu ku soo noolaa, uuna dhibsanayo inuu wax iska badalo. Tusaale ahaan, arday ku soo barbaaray xernimo oo cilmi badan alle siiyey, ayaa damci inuu ka war jiriyo iskuul ama jaamacad (formal education-ka), wuxuu kala kulmi isku dhac dhaqan ee ka kala yimid deegaankii uu wax kusoo bartay iyo midkaan cusub. Taas oo hodhow ka ku dhiiragalinaysa inuu isaga adkeysto inuusan wax ka badalin wadadii hore, isagana haro tacliintii formal-ka aheed.

· Dareen kalinimo iyo la qabsi xumo, waxaa kaloo qofka ku dhici dareen ah inuu kalinimo dareemo marka uu isbedelka sameynayo, soona wajahdo la qabsi xumo ku aadan dabeecadda cusub ee uu galay.

Qodobadaas dhamaantood iyo kuwo badanba waxay hakin karaan isbedelkii la damacsanaa in la sameeyo.

Sida isbedelka loo sameeyo

Waxaan si kooban u tixi doonaa qodob dhowr ah oo muhiim u ah wadada isbedel sameynta, waana sida tan:

1. Ugu horeyn inuu qofka uu dareemayo in ay wax ka maqan yihiin, meesha uu joogana uusan raali ku aheyn, kadibna uu garowsado in uu yahay asaga qofka wax ka badali kara, uusan ka sugin cid kale inay wax ka badasho. Waa inuu dhahaa aniga, aniga, aniga unbaa wax ka badali kara, talana saarto Alle.

2. Sidaan horay qeybtii labaad ugu soo baranay waxaa loo baahanyahay inuu raaco qoraalnololeedkii iyo hadafkii uu dajistay qofka.

3. Sidoo kale waa inuu qofku uu yareeyo amaba baabi’iyo farqiga (gap) u dhaxeeya waxa uu ku sugan yahay iyo waxa uu hiigsanayo, taas macnaheedu waa awooda ama xirfad aad leedahay hadda iyo hadafka aad dajisatay in ay iskaabi karaan ayaa ladoonayaa. Tusaale ahaan, waxaad rabtaa in aad qaadato shahaado sare, kuna qaadatid dhibco fiican, laakiin xaaladda aad ku sugan tahay ma tahay xaalad kugu kaalmeyn karta arinkaas, hadii ay tahay haa waa suura gal, hadii kale waxaad u baahantahay in aad wax ka badashid xaaladaada, oo aad waqti badan galisid diyaargrow.

4. Isla markaana aad falanqeysid xaaladda aad ku sugantahay iyo waxa kugu hareeraysan, waxaan arinkaas oola jeedaa in aad hubisidAwoodda(Strength) aad leedahay iyo meelaha aad ku liidato(Weakness), kadibna aad u gudubtid waa maxay fursadaha (opportunities) igu hareereysan iyo caqabadaha(Threats) iga hortaagan. Kadibna, isku daydid in aad yareysid waxa aad ku liidato, xoojisidna awoodahaaga una isticmaashid yareynta ama baabi’inta caqabadha ku hortaagan, si aad ooga faa’iideysatid fursadaha kugu hareereysan.

5. Marka aad ogaatid waxa aad tahay waxaad u gudbi dhaqan galinta hadafyada aad dajisatay oo aad ku qoratay warqadii aan ku magacownay Qoraal Nololeedka Qofeed (eeg qeybtii 2aad). Isla markaana waa inaad isku kalsoontahay allena talo saarataa fulisaa waxii awoodaadaa oo aad ogtahay in ay wax kaa badalayaan waxna kuu tarayaan mustaqbalka, ogowna dariiqa aad ku aroori doontid kuma soo dhaweyn doono ee waxaad kala kulmi doontaa waxbadan oodan jecleysan, ee la imow samir iyo dulqaad , ogowna safarka dheer daal iyo dhabar go’ badan ayuu leeyahay.

Waa maxay waxa kugu kaalmeynaya in aad isbedel sameysid

1. Aqris badan sida waxa kasta oo kaabaya fikirkaaga, sida kutubta diiniga ah, kuwa maadigaa, wargeysyadda caalamka kuwooda akadeemika ah iyo kuwa warerka, dhagaysiga iyo daawashada muxaadarooyinka diiniga ah, iyo kuwa cilmiga maadiga ah.

2. Cibaado badan sida duco, salaadaha sunada ah, soonka, aqrinta Quraanka kariinka, adkaarta labadda galin.

3. Barashadda iyo la socoshadda technology cusub.

4. Dhisidda xirfadaha kala duwan ee ku saacidaya, sida barashada luqadda iwm.

5. Caadadii / dhaqankii, iyo deegaankii hore oo aad ku badashid mid fiican.

6. Xoojinta xariirka fiican yareynta iyo ka takhalusidda xariirka liita.

Isku soo wadda duuboo waxaa lagaa doonayaa in aad gaartid sadex arimood oo kala ah Raali ahaashaha Alle iyo ku guulaysi shaqadaada iyo abuuris xariir fiican ee bulsho.

Gabagabo iyo Gunaanad

Qormadeenan 3-aad waxaan si kooban uga hadalnay: waa maxay isbel sameyn ? Diintu maxay ka tiri arinkaas? maxaa keena isbedel? Nuucyaddiisa? Waa maxay caqabadaha lagala kulmo isbedel isku sameynta? Sideese isbedel la iskugu sameeyaa? Waa maxay waxa kugu kaalmeynaya in aad isbedel sameysid. Isku daygaan aan sameeyey ee ku aadan sida aan ugu faa’iideyn lahaa qofkasta oo jecel inuu Is-hormariyo, ayaan qoraaladeena xiga anagoo kusii dhameystiri doona qeybaha kale ee mawduucaan ayaan manta intaas ku ekeynaynaa. Wixii sixid qaladaad, tusaaleyn ama talo ahba adoo mahadsan fadlan iigu soo gudbi cinwaanadeydan hoose.

FG. waxaa ina soo haya bishii barakeysneed ee ramadaan waana fursad qaali ah oo qof walba oo muslim ah laga donayo inuu fursadaas ooga faa’iideysto Is-bedelka uu damacsanyahay inuu fuliyo. Waliba waxaan si gaar ah ugu soo jeedinayaa walaalaheyga ay la taktay ama qabatimay mukhaadaraadka sida jaadka, sigaarka iwm… doonayana inay iska jaraan/gooyaan arinkaas aan fiicneen.

Sidoo kale waa in aan u duceynaa dalka iyo dadka uguna duceeyno in uu alle ka saaro dhibaatadda labaatan jirsatay. Waxaa suura gala qof naga midda inuu alle ducadiisa u aqbalo dadka iyo dalka.

Allaha nawaafajiyo bisha barakeysan kheyrkeedda, allaha ka dhiggo dadkeena mid isjecel, dalkeenana mid dowladda , Nabad iyo Barwaaqaa.