Wednesday, July 21, 2010

HABKA UGU SAHLAN EE IS-HORMARINTA QOFEED ...Qeybta 2aad


Hordhac

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh,nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Qoraalkaan oo taxane noo ahaa kuna saabsanaa “Habka ugu sahlan ee is-hormarinta qofeed”. Ayaan ku bilaabeynaa qeybtiisii 2aad Qoraal/risaalo Nololeedka Qofeed, kadibna waxan kusoo afmeeraynaa Hanaanka loo dajiyo hadafka toosan.


Qoraal Nololeedka Qofeed

Qofkasta oo damacsan in uu is-hormariyo waxaa laga doonayaa inuu leeyahay qoraal cadeynaya waxa uu jecelyahay inuu gaaro mustaqbalka, kaas oo hagaya noloshiisa. Qoraalkaas oo uu qofku ku qorayo warqad, kuna cadeynayo waxa uu damacsan yahay mustaqbalka. Isla markaana uu dajisto hadafyada uu ku gaarayo waxa uu damacasanyahay. Hadaba, waxaan inta hore ee qeybta 2aad kaga hadli doonaa : Waa maxay Qoraal Nololeedka Qofeed? Muhiimadda ay u leedahay qofka? Sifadda laga rabo qoraalka, iyo sida loo qorto Qoraal nololeedka.

Waxaa la yiraahdaa Qoraal Nololeedka Qofeed: waa qoraal, qofku uu ku cadeynayo waxa uu tiiradda saarayo, rabana inuu mustaqbalka gaaro – haduu alle idmo-. Sidoo kale waxaa lagu qeexaa waa erayo kulminaya waxa qofka uu damacsanyahay ama uu hiigsanayo mustaqbalka.

Sababaha keenay in uu qofka uu qorto warqad cadeynaysa hadafkiisa ayaa ah; in qoraalku uu qofka siiyo dareen ah meesha uu usocdo, waxay kaloo ku kaalmeysaa in uu qofka kala ogaado waxa muhiimka u ah iyo waxa aan muhiimka aheyn. Sidoo kale waxay u fududeysaa go’aanada uu qaadanayo. Noloshana waxay siinaysaa qiimo, iyo dareen ah inuu wax hiigsanayo. Sidoo kale waxay siineysaa tab/qaab uu ooga faa’iideysto awoodiisa si sax ah. Tusaale ahaan, marka aad taqaanid waxa waajibka kugu ah in aad sameysid, waxaa kuu sahlan in aad abaartid oo qura meeshaas, sida jiheeyahaba uu u abaaro dhanka waqooyi kaliya.

Inta aanan bilaabin sida loo qoro risaalo nololeed, waxaa haboon in aan ogaano sifooyinka ee leedahay. Hadaba, qoraal nololeedku wuxuu hagayaa qofka si uu markasta u xasuusto hadafka uu leeyahay, isla markaana si guud waxa uu ka jawaabayaa sadex su’aalood oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: Waa maxay hadafka aan ka leeyahay nolosha? Maxayse tahay Qiyamta aan Dhowrayo? Waa maxayse howsha/ficilka lagu gaarayo hadafka, laguna dhowrayo qiyamta ama waxa lama taabtaanka ii ah?

Habka loo qorto Qoraal Nololeedka

Qof kasta si buu u nidaamsadaa/qortaa qoraal nololeedkiisa. In kastoo ay jiraan Habab badan oo loo qoro, waxaanse halkaan ku sheegayaa hab ka mida sida loo qorto, waana sida tan:

Tilaabta kowaad: Soo qabso qalin iyo warqad, kana jawaab su’aalaha soosocda, maxaa yeelay waxay kugu saacidi doonaan kala xulashada iyo kala hormarinta sida ay u kala muhiimsanyihiin waxa aad damacsantahay:

- Waa maxay awooda iyo xirfadda aad leedahay?

- Waa maxay waxa aad jeceshahay in aad qabato?

- waa waxay waxa kuugu yaabka badnaa ee noloshaada soo maray ? Sababna?

- Hadii aad heysto lacag iyo waqti tallow maxaad ku qaban laheed?

- Marka aad fiiriso shaqadaada/howshaada, maxay tahay waxa aad jeceshahay in aad mar walba qabato?

- Sidoo kale, Marka aad is-fiiriso shaqsiy ahaantaada, waa maxay waxa aad u heelantahay in aad mar walba qabato?

- Waa maxay waxayaabaha noloshaada wax ka badali kara? Maxayse tahay Hadafka midkasta ee aad ka leedahay waxyaabahaas?

- Waa maxay waxa aadan jeclaysan ee ay noloshaadu la kulmeto hadda iyo mar walba?

- Ugu danbeyntii waa maxay waxa aad ka rabto/damacsanatahay noloshaada? Maxayse tahay wadada aad noloshaada ku socodsiinayso?

Tilaabta labaad:

Qor waxyaabaha lama taabtaanka ah (Qiyamta) ee aad jeceshahay in aad dhowrtid, kana qor shanta ugu muhiimsan ee asaasiga u ah noloshaada, tusaale ahaan Cilmi, Diin jaceyl, Daljaceyl, Iscafis, Ixtiraam, Nabad, Howl karnimo, Raali ahaansho, Qanacsanaan, isku Naxariisasho, Dulqaad, Aamin-nimo, Malo wanaag, dhowrsanaan, Xornimo, hodantinimo, Guulaysi iyo kuwa kale oo badan.

Tilaabta sadexaad:

Kadib marka aad qortid kuwa lama taabtaanka ah ee noloshaada, waxaa u gudbi in aad qortid Qoraal nololeedkii oo dhameystiran, ogowna naftaada baad u qoreysaa, uqorna si aad fahmi kartid iyo luqad aad fahmi kartid. Xasuunowna su’aasha ah: Qoraalkaani ma kugu dhiiragalinayaa in aad himadaada sare usii qaadid? Adigoo raacaya tusaalahaan, buux buuxi meelaha banaan:

Waxaan awoodaa …………………………. (sheeg shan ka mida Waxyaabaha lama taabtaanka ka ah agtaada) …………………………..sababtuna …………………………. (sheegna sababta ay muhiimka u yihiin) . waa inaan gaaraa …………..Waxana ku qaari –alle haduu idmo- in aan qabto …………………………..(qor howsha aad rabtid in aad qabtid si aad u xaqiijisid waxyaabahaas lama taabtaanka agtaada ka ah iyo waxa aad rabtid in aad gaartid). Waxaana ku gaari muddo dhan …………………………………………

Waxaan weydiiyey arday ka midda ka qeybqaata yaasha siminaar aan qaabtay, inuu qoro hadafkiisa nolosha waxaa uu u qoray sidatan:

Waxaan jeclahay in aan noqodo Macalin jecel ardaydiisa ayaguna ay jecelyihiin, kuna dhaqma diintiisa, ka runsheega waxa uu bartay, kaalmeeya naftiisa iyo dadka kaleba, isla markaana si aan ugu abuuro quluubta ardayda diinjaceyl , dal-jaceyl, walaaltinimo, isjaceyl, iskunaxariisasho, iscafis, isku dulqaadasho, wax-wada qabsi. Si aan u gaaro hadafkaas waa in aan Qaato Shahaadada Bachelor-ka, qeybta barashada islaamka, kuna barto afka carabiga, kuna qaato muddo afar sano ah gudaheed, kana qaato Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed.

Qoraal nololeedka wiilkaan marka aan falanqeyno waxaa ka muuqada qodobadii aan soo baranay.

Isku soo wada duuboo waxaa lama huraan ah in qoraalka uu yahay mid waafaqsan shareecadda islaamka, masuuliyadaada ka muslim ahaan, caafimadkaaga, shaqadaada, xariiridaada (qoys iyo mid bulshaba) iyo wixii lamidda, waxa loola jeedaa sidaa, in qoraal nololeedkaada iyo qodabadaan soo sheeganay in uusan ka jirin wax iska hor imaanaya, ama qalad ku ah diintaada, si aad u xaqiijisid tayadda qoraalka nololeedkaada.

Hanaanka Qoridda Hadafka Toosan

Kadib, marka aan soo baranay sida loo qoro warqad nololeedka waxaan halkaan si kooban uga hadli doonaa Hiigsi/hadafka iyo sida loo dajiyo iyo sifooyinka uu leeyahay. Sidaa darted, hadaf waxaa la yiraahdaa waa miraha waxa uu hiigsanayo qofka dhawaan iyo mudo fogba, lehna waqti xadidan, kana dhasha ficilka uu la yimaado. Taasi waxaa loola jeedaa qofku waa in uu leeyahay qoraal cad oo cadeynaya hadafka uu leeyahay kuwo dhow (Short term goals) iyo kuwo fogba (Long term goals). Hadafyada fogi waa kuwa lagu higsado gaaritankooda mudo ka badan sanad sida in uu qaato degree jaamacadeed iwm. Hadafyada dhawi waa kuwa lagu higsado gaaritaankooda mudo sanad ama ka yar ah,waxeeyna u adeegaan sidii lagu gaari lahaa hadafyada fog sida barasho loqadeed iwm.

Waxa kaloo loosii kala bixiyaa hadafyada ayadoo loo eegayo waxa laga rabo hadafka ilaa sadex nuuc. Kow, mid lagu saleeyey natiijadda la filayo waxaana la yiraah Natiijo Hiigsi (Outcome Goal). Labo, mid lagu saleeyey wax qabadka waxaana la yiraahdaa waxqabad Hiigsi (Performance Goal) wuxuuna u kala baxaa labo qeybood oo kala ah: waxqabad Jireed Hiigsi (Physical Performance Goal) iyo Waxqabad Maskaxeed hiigsi (Mental Performance Goal). Sadex, mid dheelitiran kuna salaysan hiigsasho dhanwalba ah inta noloshaada ay jirto, kulminayana dhamaan nuucyadda hadafyada kore, waxaana lagu magacaabaa Dheelitirnaasho Hiigsi (Balance Goal). Ken Blanchard ayaa yiri “ waxqabad kasta oo wacani wuxuu ka bilowday hadafyo cad” “All good performance starts with clear goals.” Biyo dhacaya Mid walba oo nuucayadaas ka tirsan wuxuu siinayaa qofka dajistay waxa lagu saleeyey hadafkaas.

Ku xeel dheerayaasha dajinta hadafyadda waxay badi isku raaceyn inuu hadafka noqdo ; mid go’an(specific), lacabiri karo (measurable), lagaari karo(attainable), macquul ah (realistic), waqtiyeeysan (timely). Bal hadii aan si kooban u sharaxno sifooyinkaas waa:

Hadafku waa inuu yahay mid xadidan (Specific); waxaa loola jeedaa waa inuu hadafgaaga ahaado mid go’an oo waliba qoran, muuqda oo wax kale ku qaldameyn, maxaa yeelay wuxuu kusiin kuuna cadeyn waxa aad rabtid oo go’an/xadidan, iskuna dhexyaacsaneen.

Sidoo kale hadafku waa inuu yahay mid lacabiri karo (Measurable) sabatuna waxay tahay waa inay jirtaa hanaan lagula socon karo isbedelka/horumarka iyo waxa ka suuragalay hadafkii iyo gaaritiisaba. Marka aad dareensantahay in aad wax un ka xaqijisay hadafka waxay kugu sii dhiiragalinaysaa in aad horay usii socotid.

Sidoo kale hadafku waa inuu yahay mid la gaari karo (Attainable) sabatuna waxay tahay hadafka aad dajisanaysid ha noqdo mid aad gaari kartid, mana ahan mid kasta oo fudud in si sahlan lagu gaaro. Hadaba hadafku waa inuu yahay mid aan aad u fududeyn aadna u dhib badneen , lana gaari karo sabatuna ay tahay hadafkaas asagaa hadii aad gaartid waxaad dareemeysaa in aad howl yara adag aad soo fulisay, naftuna ay dhiiragalin ka haleyso.

Hadafkii inuu yahay mid macquul ah (Realistic) maxaa yeelay hadii aad ka dhigatid hadaf waxaan suuragal noqoneyn, shaki maleh in ay adagtahay in aad gaartid.

Ugu danbeyntii hadfku waa inuu yahay mid waqti ku xiran/waqtiyeysan(timely), hadafku waa inuusan waqti iska furan laheyn, oo uu xadidanyahay, taasi waxay kugu kaalmeyn in aad iska ilaalisid dibdhigasho howl (procrastination) iyo in aad rajeyso in wax kasta in ay sax ku dhamaadaan( perfectionism).

Isku soo wada duuboo waxay qodobaddaasi kore lagu soo koobaa SMART, taas oo qofka ama shirkadba ku caawisa inuu si sax ah u dajisto hadafkiisa.

Hadaba, wax kasta waxay leeyihin caqabaddo ka xaniba horusocodka sidaa darted waxaan si kooba uga hadli doonaa waa sida aad u maareyn laheed hadii culaysyo ay kusoo wajahaane, kuwaasoo hakinaya fulinta hadafyadda, culaysyadaas nuucay rabaanba ha noqdaane waxaa lagu xalin karaa sida tan: Isbedel ku samee hadafka culayska ku yimid, kadibna dib isku waafaji culayska iyo hadafka, markastana hadafyadaadu ha ahaadaan kuwo la qabsan kara isbadalada ama u jilcsan in wax laga badalo, aydoon asalkii laga tageyn.

Gabagabo iyo Gunaanad

Qormadeenan 2-aad waxaan si kooban uga hadalnay: Waa maxay Qoraal Nololeedka Qofeed? Muhiimadda ay u leedahay qofka? Sifadda laga rabo qoraalka, iyo sida loo qorto Qoraal nololeedka, waxaa kaloo sii xigay hanaanka qoridda hadfka. isku daygaan aan sameeyey ee ku aadan sida aan ugu faa’iideyn lahaa qofkasta oo jecel inuu Is-hormariyo, ayaan qoraaladeena xiga anagoo kusii dhameystiri doona qeybaha kale ee mawduucaan ayaan manta intaas ku ekeynaynaa. Wixii sixid qaladaad, tusaaleyn ama talo ahba adoo mahadsan fadlan iigu soo gudbi cinwaanadeydan hoose.

Habka Ugu Sahlan ee Is-Hormarinta Qofeed (Qeybta 1aad)

Hordhac

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh,nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Qoraalkan oo taxane ahandoona haduu Alle idmo, kuna saabsanaandoona “Habka ugu sahlan ee is-hormarinta qofeed”. Sababaha igu kalifay in aan wax ka qoro mowduucan ayaa ah, kadib marki aan u kuur galay qoraalada loogu faa’iideeyo bahweeynta soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa is-hormarinta ku salaysan, ayaan arkay in eey aad u yaryihin shacabkuna u baahanyahay in badan oo wacyi galin ah. Sidoo kale waxaa badatay kuwo ku wajahan dhanka siyaasadda. Waxaa kaloo soo badanaya da’ yarta rabta inay ku tilaabsato mustaqbal fiican, una baahan hagid joogta ah iyo tusaaleyn wacan. Sidoo kale, in badan oo bulshadda ka tirsan ayaa si joogta ah u isticmaasha internetka, akhriyana qoraaladda lasoo qoro. Intaas iyo in kasii badan ayaa igu dhiira galisey in aan wax ka idhaahdo/qoro mowduucaan kaas oo aan ugu tala galay in aan kaga qeyb qaato dhiira galinta cid kasta oo daneyneysa in eey is hormariso.

Qeybta 1-aad ee maanta aan rabo in aan usoo gudbiyo akhristayaasha waxay tahay: Waa maxay is-hormarin qofeed? Maxayse tahay muhiimadda ay leedahay? Waa maxayse tiirarka ay ku qotonto ama ku taagantahay?

Muddo dheer oo aan u kuur galay hormarinta qofka (Personal development) iyo hormarinta maamulka (Administration development), waxaa iiga soo baxday in macnaha rasmiga ah ee hormarinta qofeed aysan laheyn qeexid laysku waafaqsan yahay ama heshiis lagu wada yahay. Qoraa kastana si buu u qeexaa, in kastoo isku dayo badan ay sameeyeen khubaradda maamulka, tababarayaasha, iyo kuwa xiiseeya Is-hormarinta qofeed, ayey ku sheegeen sida tan: Is-hormarinta qofeed: waa hannaan shareecada islaamka waafaqsan, qofkuna ku hormarinayo ama ku raadinayo xirfad, cilmi, dhaqaale, hab-dhaqan toosan, iyo xeriir bulsho, taas oo gaarsiinaysa inuu dareemo raali ahaansho(personal satisfaction) iyo nabad gudaha ah, kuna kaalmeyneysa inuu diiradda saaro sida uu ugaari lahaa hadafyadiisa nololeed, iyo sida uu ugu guulaysan lahaa culaysyada soo wajaha, ee hakinaya horusocodkiisa.

Qeexitaankaan wuxuu ku dhisan yahay qodobo muhiim ah oo kala ah:

Hadafka/Yoolka guud ee qofka muslimka ahi uu nolosha ka leeyahay ayaa waxeey tahay in uu gaaro raali ahaanshaha Alle, galana Janadiisa. Sidaa daraadeed, waa inuu udhaqmaa qofku hab gaarsiinkara Yoolkaa, una camal falaa si uu u gaaro hadafkaas. Intaas waxaa dheer dhamaan Ahdaafta kale waxay kaalmeynayaan hadafkaas nololeed ee guud. Tusaale ahaan Ahdaafta kale ee qofka waxaa ka mid ah inuu hanti tabco. Hadaba waa in lagu tabcaa wado Xalaal ah si ay u kaalmeeyso hadafka guud ee nolosha.

Isku soo wada duuboo Is-hormarinta waa in ay tahay mid ku salaysan ama waafaqsan diinta Islaamka. Qofka loogama baahna inuu ka raadiyo Is-hormarintiisa waxyaabo aan waa faqsaneeyn shareecadda Islaamka. Is-horamrinta waxaa sal u ah xoojinta sidii uu u dahiri lahaa qofku nafsadiisa si uu u gaaro dhameystirnaanta Iimaanka ama sare ugu qaado. isla markaana uu ka fogaado wax kasta oo hoos u dhigaya Iimaankiisa. Sidoo kale Is-hormarintu kuma xirna da’ ama xili go’an, ee waa hawl joogta ah oo looga baahanyahay qofka. Isla markaana uu ku dadaalo wax kasta oo ka qeyb qaadanaya hormarkiisa, ha ahaato Cibaado fara badan, cilmi kororsi, abuuris xeriir fiican oo bulshada dhexdeeda ah.

Muhiimadda ay leedahay Is-hormarintu waxa ka mid ah:

  • Ugu horeyn ma jiraan aduunkaan wax sugan, ee isbedel joogta ah ayaynu ku jirnaa, sidaa darteed waxaa loo baahanyahay sidii loola qabsan lahaa isbadaladaas, uuna qofku si joogta ah isu hormarinlahaa si uusan uga harin Tareenka nolosha.
  • Waxaa kaloo jirta baahi joogta ah oo ah dhinaca xirfada iyo macluumaadka intaba, qof kastana wuxuu u baahan yahay si joogta ah inuu u baadi goobo.
  • Suuqyadda shaqadda ma naxariistaan ee waxay u baahanyihiin xirfado cusub iyo macluumaad dheeri ah. Hadii aadan aheyn qof si joogta ah isku hormariya, tartanka shaqadda waad ka hareysaa, wayna kugu adkaaneysaa in aad la qabsatid shaqadda.
  • Culaysyadda nolosha soo wajaha weey badan yihiin sidaa daraadeed waxaad u baahan tahay in aad markasta baratid tabaha iyo sidii aad ula dhaqmi laheed ama uga gudbi laheed Culeeysyadaas.


Tiirarka eey ku taagan tahay Is-hormarinta

Wax kasta sal iyo asaas ayey leeyihiin, hadaba halkan waxaan si kooban ugu sharxi doonaa Shanta Tiir ee Is-hormarintu ku taagantahay. Waxayna kala yihiin sidan hoos ku qoran:

  1. Waa in aad istaqaano

Qofku waa in uu isweydiiyaa kumaa tahay? Maxeyse tahay awoodaada iyo xirfadda aad leedahay? Hadii uusan qofku su’aalahaas jawaab rasmi ah u helin, waxaa ku adkaan doonta inuu Is-hormariyo.

  1. 2. Waa in eey kuu cadahay waxa aad ka damacsantahay noloshaada.

Waxaa loola jeedaa qofku waa in uu leeyahay qoraal cad oo cadeynaya hadafka uu leeyahay kuwo dhow (Short term goals) iyo kuwo fogba (Long term goals). Hadafyada fogi waa kuwa lagu higsado gaaritankooda mudo ka badan sanad sida in uu qaato degree jaamacadeed iwm. Hadafyada dhawi waa kuwa lagu higsado gaaritaankooda mudo sand ama ka yar ah,waxeeyna u adeegaan sidii lagu gaari lahaa hadafyada fog sida barasho loqadeed iwm. Taasi macnaheedu waa in qofku leeyahay meel uu ka duulayo, ogyahayna meesha uu u socdo, laakiin hadii uusan ogeyn meesha uu u socdo iyo meesha uu hada joogo waxaa cad in uu ku fashilmayo is-hormarintiisa.

  1. 3. Waa in aad taqaanid sida aad ula dhaqmi laheyd naftaada iyo dadka kale intaba

Waa in aad taqaanid waxa aad ka rabtid ama ka damacsantahay nafsadaada iyo tan dadka kaleba, aadna ka dhaadhicin kartid waxa aad damacsantahay, weydiin kartidna waxa aadan fahmin, adigoo adeegsanaya qaabka iyo sida ugu wacan ee lagula xeriiro dadka kale. Hadaba waa lama huraan in aad hormarisid xirfadaha kaa kaalmeynaya xeriirka iyo bulshanimadda, isla markaana aad ogaatid in ay lama huraantahay in aad xeriir fiican la yeelatid dadka kale, ogowna waxa kula saxani, qof kale waa ay la qaldanaan karaan. Tusaale ahaan 20 qofood hadii aad weydiisid “Maxaa la dhahaa GUUL?” mid kasta sib uyuu kuugu sheegayaa taasoo ah sida uu u arko inay tahay guusha macnaheeda. Sidaa darted waa in aad taqaanaa sida aad ula dhaqmi laheyd naftaada iyo tan dadka kale intaba.

  1. 4. Waa in aad leedahay xirfad aad kaga faa’iideysankartid hantidaada

Waxaa loola jeedaa in aad leedahay hanti aad uga maarmi kartid in aad dad kale wax weydiisatid.Soomaalida ayaa tiraahda “Bukto badan iyo Baryo badan waa la isku nacaa” Taasi waxay kugu dhiiri galinaysaa in aad abuuratid illo dhaqaaleed. Maxaa yeelay hadii aadan heysan lacag aad isku hormarisid ama aad isku maal galisid Is-hormarintu wey adag tahay in ay sidii la rabay noqoto.

  1. 5. Waa in aad leedahay Xirfado aad wax isku bari kartid

Tani waxay tilmaameysaa awooda aad u leedahay in aad si fudud ama dhaqso ah ku heli kartid kuna kobcin kartid macluumaadka iyo cilmigaagaba, adigoo adeegsanaya marba xirfadda aad u baahantahay ee kaa kaalmeyneysa waxa aad ubaahantahay. Tusaale ahaan maanta oo caalamkii uu noqday tuulo oo kale (Global village), oo macluumaad kasta aad ku heli kartid muddo kooban, bal kawaran hadii aadan aqoonin sida loo adeegsado internet-ka. Sidaa daraadeed waa in aad abuurtaa amaba kordhisaa xirfadaha kugu saacidaya kororsiga cilmiga.

Shantaan tiir ee aan soo sheegay, ayaa u ah jiridka ay ku taagantahay Is-hormarinta, la’aantoodna ay adagtahay inuu qofku Is-hormariyo.

Gabagabo iyo Gunaanad

Qormadeenan 1-aad waxaan si kooban uga hadalnay “waa maxay Is-hormarinta qofeed? Muhiimadda eey leedahay iyo Tiirarka eey ku qotonto. Kulankeena xiga ayaan kusii lafo guri doonaa qeybaha kale ee mawduucaan. isku daygaan aan sameeyey ee ku aadan sida aan ugu faa’iideyn lahaa qofkasta oo jecel inuu Is-hormariyo. Wixii sixid qaladaad, tusaaleyn ama talo ahba adoo mahadsan fadlan iigu soo gudbi cinwaanadeydan hoose.