Thursday, February 10, 2011

Maahmaah Afarey ah

Afar soomaalida way ku adagtahay
 Nabad ku wada noolaansho
 Libin isku ogolaansho
 Wayni wax ku barasho
 Dhulka hooyo ku qanacsanaan

Afar dadku way isku aaminaan
 Dhaarta
 Damiinka
 Duunyada
 Daacadnimada

Afar dadku way kugu nacaan
 Beenta
 Balwadda
 Busaaradda
 Baro la’aanta

Afar bay noloshu u baahantahay
 Waxbarasho
 Wax-dhaqasho
 Wax-wadaqabsi
 Waayo-aragnimo

Afar iska ilaali
 Qab
 Quudhsi
 Quusasho
 Qurbe-isku iloobid

Afar ragga ayey iska horkeenaan
 Baroor dumar
 Ballan-darro
 Booto aan sharciyeysneyn
 Siyaasad

Afar afar baad ku iloowdaa

 Rafaad raaxaad ku iloowdaa
 Gumeysina guul baad ku iloowdaa
 Gunnimana gobnimo ayaad ku iloowdaa
 Godob na aarsi baad ku iloowdaa

Afar baa lagugu jeclaadaa

 Hawlkarnimo
 Halyeynimo
 Hadal aqoonimo
 Hodantinimo

Afar afar bay kugu leeyihiin

 Waynahaagu weynayn buu kugu leeyahay
 Waalidkaaguna abaal gud buu kugu leeyahay
 Wiilkaaguna wax barid buu kugu leeyahay
 Wadan kaaguna wanaajin buu kugu leeyahay

Afar rag kagama guuleysatid

 Isqarxin
 Istakoorid
 Isdhigasho
 Iskukalsooni-la’aan

Afar bay diintu u baahantahay

 Faahfaahin
 Fahmid
 Faafin
 Fudeyd-la’aan

Curiye: macalin:C/casiis maxamed yoonis(ansaari)

No comments:

Post a Comment