Wednesday, March 2, 2011

Maxaa ka faa'iideynaa kacdoonka carabta?

Waxaa kiciyay oo mideeyay fikirka shucuubta carabta:
  1. Ku tumasho ama jabin sharcigga dalka uyiilay.
  2. Mushkiladdo isbiirsaday sida Faqri, shaqo la'aan, Danbiyadda, xadgudubyo, musuqmaasuq iyo jahli
  3. Dowladdii oo ka gaabiyeen in ay hagaajiyaan ama islaaxiyaan wax uqabadka bulshada.
  4. Ku tiirsanaan mashaariic been ah oo bulshada lagu khiyaamayo.
  5. gacan ku dhista warbaahinta si ay ubuunbiniso borobagandda dowladda.
  6. soo ifbixid khiyaano qaran oo qarsooneed taas oo u adeegaysay cadowga
  7. Caburinta iyo handaad cid kasta oo samadoon ah , sida culimada, aqoonyahanka, madaxda axsaabta, IWM.
  8. Bandhigidda mashaariic aysan fulin doonin in ay ku qanciyeen bulshada kadibna aysan fulin.
Dadweynaha soomaaliyeed waxay ka barankaraan halganka carabta:
  1. Bulshadu in ay leedahay Awooda.
  2. Midnimadda iyo iskaashiga inuu wax badalo
  3. kaalinta Aqoonta iyo ilbaxnimada umadeed ee isbedelka
  4. Dad kala diin ah in ay nidaam wada rideen, dhowreena midnimadii dadka iyo dalka.
  5. Dagaal in uusan xal aheyn
  6. Waxa ay badalayeen ma han shaqsi ee waa nidaam qaldamay.
  7. Ayagoo dhowray meelahoodii taariikhiga ahaa.
  8. dhowray ama xifdiyey handidii guud.
  9. si mideysan wax u wada qabsaday, una diiday dulmiga, dhiigna u huray.
Laakiin Soomaalidu uma bisla ilaa hadda in ay si wadajir ah wax u qabsadaan. waxay u baahantahay isbedel lagu sameeyo bulashada loona maro hagaajinta qofka, kadibna qoyska, kadina bulshada. taas ayaa lagu xaqiijin karaa.

No comments:

Post a Comment