Friday, June 17, 2016

GUUR MA LAGU SHARDIYEY CAFIS!


Guur ma lagu shardiyey Cafis!

Nin baa waxuu dhex socday jid kamida jidadka Kuufa ee ciraaq, waxuu soo maray beer, waxuu arkay Tufaax dhulka yaal oo kasoo go’ay geed kamida geedaha beerta… waa uu qaatay …hal marbuu cad ka goostay tufaaxii – waxaana heysay gaajo daran- waxuu xasuustay inuu ahaa tufaaxu mid booli ah oo uusan aheyn mid asaga uu leeyahay… beertuna aysan aheen mid uu leeyahay….markaasuu dhexgalay beertii, waxuu la kulmay waardiyihii beerta, waxuuna ku yiri: ma ii cafin kartaa waxa aan cunay?
Waardiyihii: maya, walaal kuma cafin karo oo anigu malihi beertaan.
Ninkii tufaaxa cunay ayaa yiri: Yaa iska leh beertaan? halkuu joogaase joogaa milkiilaha? … markaasuu tusay halka uu joogo milkiilaha beerta… Ninkii waxa uu aaday halkii loo tilmaamay, albaabka ayuu garaacay, waxaa albaabka ka furay milkiilihii wuxuuna yiri soo gal… waa uu soo galay kadibna salaamay ninkii milkiilaha ahaa, asagoo jareynaya kana shalaynaya danbiga uu galay oo ahaa cadkii tufaaxa uu cunay…Ninkii beerta lahaa ayaa yiri Aboowe magacaa?
Ninkii tufaaxa cunay waxuu yiri waxaa laygu magacaabaa Thaabit (ثابت) , waxaana kuugu imid in aan kuu sheego tufaax kasoo dhacay geed ka mida beertaada oo aan anigu cad ka cunay ee aan kaa doonayo in aad i cafisid… cadkaana waa soo haray.
Markaasuu yiri ninkii beerta: kuu cafin maayo hadaadan hal shardi kasoo bixin.
Ninkii tufaaxa cunay ayaa yiri: Maxuu yahay shardiga?
Ninkii Beerta lahaa: Shardigu waa in aad guursataa gabadhayda
Ninkii Tufaaxa Cunay: YAAH! - Cafis meher lagu shardiyey- see camal?
Ninkii beerta: waxaa intaa dheer, Ogow gabadheyda waa indhoole oo wax ma aragto, waana dhagoole oo wax ma maqasho, shibane oo ma hadasho, waa cuuryaan  oo masocoto…labo midkood unbaa ku horyaal oo ah in aad guursato gabadhayda ama in aanan ku cafin oo maalinka qiyaamo aan alle hortiisa kugu dacweeyo.
Ninkii cunay tufaaxa xaaladii wey ku adkaatay oo ma waxuu guursadaa gabar indho la’, dhago la’, aan hadleyn, cuuryaan ah si uu u helo cafis…. Maxuu sameyn haduu guursado gabar sifadaas leh…subxaanallah… Waxuu isbarbardhigay aduun iyo mida aakhiro…waxuu ku garnaqsaday sida tan: guurkeedu haduu iga badbaadinayo cadaabta alle, waa go’aansadee ha la igu mehriyo.
Waa lagu mehriyey.
Markaasuu yiri ninkii tufaaxa cunay: anigu ma lihi wax guri ah.
Ninkii beerta lahaa: qolbaa laguu diyaarin ee imow markaad cishaha soo tukato.
Ninkii cishihii ayuu soo tukaday, wuuna yimid, qolkii ayaa la tusiyey, wuuna galay, waxuuna arkay ayadoo halkaa duuduuban… waa uu salaamay asagoo og gabadhu in ay tahay dhagoole, hadlinna… asagoo aaminsan hadeysan gudoomin salaanta goorba maa’ikta alle ayaa gudoomaysa.
Markaasuu yiri; assalaamu calaykum, markaasay salaantii gudoontay oo ay soo istaagtay gacantana galisay ninkii…. Alla waxbay maqlaysaa oo waxay maqashay salaanta, lugana wey leedahay oo wey istagtay, weyna hadleysaa oo salaantii ayey radisay, waxna wey arkeysaa oo xagiisa ayey soo aaday…YAAH!... markaasuu wajiga ka feyday mase waaba dayax afar iyo tobnaad ah quruxda ay leedahay gabadhu oowgeed…YAA SALAAM.
Tilmaamihii gabadha lagu sheegay malahane see wax u jiraan, Gacalisadiisii ayuu su’aalay: sodogeey waxuu i yiri : “Gabadheyda waa indhoole oo wax ma aragto, waana dhagoole oo wax ma maqasho, shibane oo ma hadasho, waa cuuryaan  oo masocoto…” see wax u jiraan! adiguse sifooyinkaan ma lihide?
Gabadhii: Gacaliye aabahay been ma sheegin inta uu sheegay waa sax.
Gabadhii oo warka sii wadata waxay tiri: waxaan ka indho la’ahay wixii alle caragalinaya….haye… dhagaheyguna laguma dhageysto waxuusan alle raali ka aheyn oo waan ka dhago la’ahay…..haye…..Carabkeyguna waxaan dikriga alle ka aheen ma qabto oo wax kale waan ka af al’alahay…….SUBXAANALLAH…lugaheyguna waxaan ku aadaa kaliya Guriga Alle (Masaajika) – sida aan xumi uga lugo la’ahay….
Markaasuu ninkii tukaday labo rakco oo salaatu shukri ah, asagoo rabigiisa u mahadcelinaya… kadibna waxuu laacay argalaan(koob) caano ah, qeyb ayuu ka cabay qeybtii kalena ayada uu siiyey, weyna cabtay…. Kadibna waxuu gacatiisa saaray fooda hore ee madaxeeda waxuuna ku duceystay ducadaan:
" اللهم بارك لي فيها، اللهم اني اسئلك خيرها وخير ما خلقت له "
Kadibna waa uu u tagay, waxay habeenkaas qaatay uur ay ku dhashay Imaam Abu Xaniifa  allaha u naxariistee – waa imam ka mida imaamyada afarta madhab ee fiqhiga ah, gaar ahaan waa imaamka loogu magaca daray mad-habta xanafiyadda.
Waxay Hooyadaasi dhashay imam caalim ah oo cilmi badan, ka tagay dhaxal-cilmi...waxuu ahaa Imaam afartan sano weysadii cishaha uu qaatay ku tukanayey salaada subax…. Waxay dhashay imaam habeen habeenada kamida intuu kacbada galay ku tukaday labo rakco oo uu ku aqriyey qoraanka oo dhan labadaas rakco ....

Qisadaan maxaynu ka faa’iideynaa?
1- Hooyo iyo Aabe toosane waxay soosaaraan jiil toosan.
2- Guurgu muhiim uma ahan hanti badan.
3- Xalaasha waxay saameyn ku leedahay ubadkaaga
4- Toosnaantaadu waxay raad ku leedahay ubadkaaga.
5- Waalidku waa inuu talo ku lahaadaa xulashadda saygaaga.
6- In la tukado salaatu shukri habeenka kowaad, iyo in lagu duceysto ducooyinka soo arooray mid ka mida.

Sifada uu Arooskaas lahaa
1-      Gabadhaas lama soo dhaqin (Cadeyn) oo rugta qurxinta lama geyn.
2-      Arooskaas heesaayaal loogama wacin, hoteeladana lagama tumin, qarash badana kuma bixin.
3-      Arooskaas Toorte lama Jarin oo afka la iskuma galin.
4-      Arooskaas magaalada laguma soo wareejin.

f

FG. Wixii sixid qaladaad, tusaaleyn ama  talo ahba adoo mahadsan fadlan iigu soo gudbi cinwaanadeydan hoose.

Qisadaan waxaan ka soo xigatay muxaadaro af carabi ah oo uu leeyahay Sh. C/xamiid Kashka allaha u naxariistee.


Qore: Abdikamal Mohamed Sheikh Abdullahi
Email: kmlsom@gmail.com

1 comment: